الأحد، 30 يونيو 2013

Hambalyo Wasiirka Arimah Gudaha Soomaaliya

Hambalyo Wasiirka Arimah Gudaha Soomaaliya iyo Intii ku gacansiisay in Xabsi la dhigo Danbiilayaasha isku dayay in ay Xasan Daahir Aweys ay Badbaadiyaan. 

Xaq waxay u lahaayeen in Karbaash iyo xarig dheer la iskugu daro .
Danbiile qof kasta oo uu yahay iyo inta Difaac ula diyaarka ah in ay ku quusqaataan ayaan rajaynayaaa .


Soomaaliya  dhib iyo is cayrsi kama baxayso hadii aan la helin dad Soomali ah oo Soomaalinimadu  ay  oga  wayntahay  Qabiilka  iyo isfiirsiga  u dhaxeeya  dadka  soomaaliyeed, sida in qabiilba  mid kale  iska  fiirinayo oo ah  inta badan  waxa  lagu difaaco  Danbiilayaasha  dadka  dhiigooda  bilaa  macno la,aan ku daadiyay ah, hadana  ku soo galbanaya  qabiil aysan wanaag iyo wax ay u sameeyeen aysan jirin .

Soomaaliyay  Cadaaladu  waa  mid  kaliya  ee aan wax  ku noqon karno ee ha la iska  dhaafo  qabiil iyo  wax  aanan dan noogu jirn .

Hambalyo kun iyo kow jeer mudane haddii arinta aad samaysay ay tahay mid aad soomalinimo iyo cadaalad u samaysay.