Dad badan oo aan kamid ahaa ayaa 10kii Sebtembar 2012, oo eheyd Maalintii ay dhacaysay dooradashiid Kursiga madaxtinimada Soomaaliya aan marnaba indha ka leexin Tv yada iyo meelaha wararka laga dheehdo ayagoo ka rajo qabay in ay wax is badal ah ay ka dhacaan Soomaaliya.
Dhowr saacadood oo codayntasa kadib iyo intii ay socotayba ayaa inta badan ee afka Soomaaliga ku hadasha iyo intii danaynaysay Arimaha Soomaalida waxay si aan kas ahayn u xifdiyeen magaca Hasan sheikh Mahamoud oo ahaa Musharixii ku guulaystay xilka tartanka Kursiga aan dhib badan loo soo marin ee ku magacaaban Madaxweynaha Soomaaliya .
Mudane Hasan oo Sida taariikhdiisa ku qoron ah Qof ku abtirsada bahda waxbarasha amaba ahaa macalin Jaamacad wax ka dhigi jiray ayaa kasbada Taageerada inta badan Umadda Soomaaliyada ee u hanqal taagaysay in ay mar arkaan Soomaaliya oo ay wax iska badalaan.
Taageerada uu kasbada Madaxweynuhu maalintaas ma ahayn mid ku salays neyd Qabiil ama wax la mid ah ee waxa ay aheyd mid ka timid inta badan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxa ay u muuqatay mid hadii sida wanaagsan loo maamulo looga bixi karay dhibka soo jiitamayay.
Madaxweyne Hassan ayaa loo arkayay in uu ka duwanaandoono Kuwii asaga ka horeeyay Sababo dhowr ah oo jira .
1. waxa uu ahaa madaxweynaha ka liya ee lagu doortay gudaha wadanka tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe .
2. waxa uu ahaa Madadwynaha aan magiciisa laga hormarin Kumeel gaar ee laga hormariyay Madaxweynaha rasmiga ag ee 4sano ee soo socota, taas oo micnaheydu yahay in uu awood aysan haysan kuwii ka horeeyay leeyahay.
3. waxa uu haystay taageero aan ku imaanin caadifad iyo nin iska celin ee ka imaanaysay Umadda u oomaneyd Nabad iyo is badal dhab ah .
4. waxa uu ahaa musharaxa kaliya ee aan dalka intii dhibku jiray aan ka maqnayn taas oo u taagan in uu fahan aan kuwa wadamada shisheeye ka yimid aysan fahmin karin inta badan.
Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn kal soonida uu ka helay Maalmo gudohood Dowladaha Caalamka.
Hadaba Madaxweynaha oo looga fadhiyay in uu Wadanka wax muuqda ka ka qabto ayaa waxa Qof kasta , Ayaa hada waxa aan shaki ku jirin ama inta badan dadku aaminsanyihiin in ay kalsoonidii iyo hididaaladii loo qabay Guushii uu ka gaaray madaxweynuhu Darashadii ay meesha ka baxday marka la fiiriyo sida loo maamulay Nadaamka Dowladeed ee hada ka jira .
Wax yaabaha keenay Fashilka Xukuumada Hada jirta .
1.Booqashada Koowaad ee madaxweynaha ee Gobolada qaar aan la tagin ama laga Dulbooday.
2. Hab qeybsiga Awooda Nadaamka Xukuumada ama Wasiirada oo beelaha gaar aysan iska dhex arkin.
3. Qaadis Go,aano aan ku salaysnayn wada tashi ka dhaxeeya ama ay isla ogyihiin Madaxda Xukuumadu sida wasiirada iyo Ra,iisal wasaaraha ama suusan ogayn madaxweynuhu .
4. Namaadka Maamul Goboleedyada oo aan sifiican loo dhaqan galin hadii uu jiro Nadaam loo diyaariyay in la iskugu keeno Gobolada Dalka.
5.Xukuumada iyo baarlamaanka oo aan midkoodna Shacabka inta horyimaadeyn aysan ka dhaadhicin Nadaamka lagu saleeyay Dasduurka wadanka ee Fadaraalka ah .
6.Amaanka oo ah Muhiimada ugu horaysay ee in Xukuumadu ay wax ka qabato looga fadhiyay oo sida muuqata faraha ka siibaxaya .
7.Hadallo ay ka muuqato kicin dadka gaar ah oo ka soo baxay Rasiirada iyo xildhibaanada qaar kood ayafa oo dad gaar ah ama Maamul Goboleydyo gaar ah cadaawad galinayo .
8.Ciidanka ,Garsoorka ,Maxkamadda sare oo dhamaantood aan sidii la rabay aan waajibkooda u gudan oo mararka qaarkooda laga dareemayo wax is daba marin baahsan .
9. Musuqmaasuqa aan kala joogsi laheyn ee dhamaan kaalimada iyo xaafiisyada shaqeedka Xukuumada ka aloosan.
N.B. Lasoco qeybta kale inshaa allaa