Mar kasta oo Soomaaliya wax is badal ah ay kadhacaan is badalkaas oo ah dhanka Siyaasada inta badanna ah dhanka ay Soomaalidu isha ku hayaan ugana hadal haynta badan dadka Soomaalidu had iyo jeer meel kasta oo ay joogaan,ayay dadku Niyada ku hayaan is badal dhab ah oo laga sameeyo Maamul xumada ka taagan Siyaasadda Wadanka taas oo dib u dhac baaxsan ku keentay Hormarka Wadanka iyo Shacabkaba.
Halka dhibka ugu wayn uu kajiro oo ah Qofka Wasiirka ama Xildhibaanka laga dhigayo oo aan loo soo dooran inta badan Aqoon ama Khibrad uu u leeyahay Xilka loo idmanayo taas oo keenta in qof aan wax waxqabad ah lahayn ama aan awood u lahayn in uu wax is badal ah ka sameeyo Xilka loo dhiibay .
ayaa waxa ay sababtaa in meesha ay ka baxdo awoodii ama mas,uuliyadii laga rabay in Qofkaasi uu ku sameeyo booska uu ka hayo Dowlada ama Wadanka.
Ayada oo ay jirto in aan Mas,uulka Aqoon ama khibrad lagu soo xulin ayaa waxaa dhacda in marka Qofkaasi xilkaas hayo Dhowr bilood ayaa hadana laga xayuubiyaa oo inta badan qoorta loo galiyaa mid kale oo aan asna wax uu dhaamo aysan jirin ama ka siiliita aqoon iyo khibradba ayada oo lagu ee deeyo mas,ulkii hore in uu gudan waayay Xilkiisa.
Hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa Qofkaas loo sumcad tirayaa inta markii hore lagu soo qasbay ama aan lagu xirin wax khibrad ah oo laga doonayo qofka xilka qabanaya, kadibna loogu eedaynayaa wax qabad la,aan ?
hadaba Carabka shacabka ayaa loo badinayaa in uu leeyahay war kuwii hore noodaaya ayagaa laga yaabaa in ay wax khibrad ah kasbadeen inta ay meesha joogeena intii mid kale oo cusub meesha la soo taagi lahaa .
Markii wax qabadkii laga hor mariyay Qabiilka iyo sadkursiga qof kasta ayaa og in ay imaanayso wax qabad la,aan iyo is eedeen joogto ah, marka waxaa wanaagsan in meesha la keeno qof xilkaas qaban kara ama xilkasnimo lagu tuhmayo oo aysan sheekadu noqon in shacabka iyo wadanka aan lagu haynin dhibka ay horseedak u yihiin Siyaasiyiinta aan khibrad ay u leeyihin aysan jirin Siyaasadda ay sheeganayaaan .
Waxaa la yiraadaa shaydaan aad taqaano waxa uu ka kheyr badanyahay shaydeen kale oo aadan aqoonin.
marka anaguna waxa aan leenahay Tuug aad taqaanid waxa uu ka qeyr roonyahay mid aadan aqoon oo cusub oo hada iyo mar hor leh Xagtooyo masaynaya.