Dad badan oo aan kamid ahaa ayaa 10kii Sebtembar 2012, oo eheyd Maalintii ay dhacaysay dooradashiid Kursiga madaxtinimada Soomaaliya aan marnaba indha ka leexin Tv yada iyo meelaha wararka laga dheehdo ayagoo ka rajo qabay in ay wax is badal ah ay ka dhacaan Soomaaliya.
Dhowr saacadood oo codayntasa kadib iyo intii ay socotayba ayaa inta badan ee afka Soomaaliga ku hadasha iyo intii danaynaysay Arimaha Soomaalida waxay si aan kas ahayn u xifdiyeen magaca Hasan sheikh Mahamoud oo ahaa Musharixii ku guulaystay xilka tartanka Kursiga aan dhib badan loo soo marin ee ku magacaaban Madaxweynaha Soomaaliya .
Mudane Hasan oo Sida taariikhdiisa ku qoron ah Qof ku abtirsada bahda waxbarasha amaba ahaa macalin Jaamacad wax ka dhigi jiray ayaa kasbada Taageerada inta badan Umadda Soomaaliyada ee u hanqal taagaysay in ay mar arkaan Soomaaliya oo ay wax iska badalaan.
Taageerada uu kasbada Madaxweynuhu maalintaas ma ahayn mid ku salays neyd Qabiil ama wax la mid ah ee waxa ay aheyd mid ka timid inta badan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxa ay u muuqatay mid hadii sida wanaagsan loo maamulo looga bixi karay dhibka soo jiitamayay.
Madaxweyne Hassan ayaa loo arkayay in uu ka duwanaandoono Kuwii asaga ka horeeyay Sababo dhowr ah oo jira .
1. waxa uu ahaa madaxweynaha ka liya ee lagu doortay gudaha wadanka tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe .
2. waxa uu ahaa Madadwynaha aan magiciisa laga hormarin Kumeel gaar ee laga hormariyay Madaxweynaha rasmiga ag ee 4sano ee soo socota, taas oo micnaheydu yahay in uu awood aysan haysan kuwii ka horeeyay leeyahay.
3. waxa uu haystay taageero aan ku imaanin caadifad iyo nin iska celin ee ka imaanaysay Umadda u oomaneyd Nabad iyo is badal dhab ah .
4. waxa uu ahaa musharaxa kaliya ee aan dalka intii dhibku jiray aan ka maqnayn taas oo u taagan in uu fahan aan kuwa wadamada shisheeye ka yimid aysan fahmin karin inta badan.
Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn kal soonida uu ka helay Maalmo gudohood Dowladaha Caalamka.
Hadaba Madaxweynaha oo looga fadhiyay in uu Wadanka wax muuqda ka ka qabto ayaa waxa Qof kasta , Ayaa hada waxa aan shaki ku jirin ama inta badan dadku aaminsanyihiin in ay kalsoonidii iyo hididaaladii loo qabay Guushii uu ka gaaray madaxweynuhu Darashadii ay meesha ka baxday marka la fiiriyo sida loo maamulay Nadaamka Dowladeed ee hada ka jira .
Wax yaabaha keenay Fashilka Xukuumada Hada jirta .
1.Booqashada Koowaad ee madaxweynaha ee Gobolada qaar aan la tagin ama laga Dulbooday.
2. Hab qeybsiga Awooda Nadaamka Xukuumada ama Wasiirada oo beelaha gaar aysan iska dhex arkin.
3. Qaadis Go,aano aan ku salaysnayn wada tashi ka dhaxeeya ama ay isla ogyihiin Madaxda Xukuumadu sida wasiirada iyo Ra,iisal wasaaraha ama suusan ogayn madaxweynuhu .
4. Namaadka Maamul Goboleedyada oo aan sifiican loo dhaqan galin hadii uu jiro Nadaam loo diyaariyay in la iskugu keeno Gobolada Dalka.
5.Xukuumada iyo baarlamaanka oo aan midkoodna Shacabka inta horyimaadeyn aysan ka dhaadhicin Nadaamka lagu saleeyay Dasduurka wadanka ee Fadaraalka ah .
6.Amaanka oo ah Muhiimada ugu horaysay ee in Xukuumadu ay wax ka qabato looga fadhiyay oo sida muuqata faraha ka siibaxaya .
7.Hadallo ay ka muuqato kicin dadka gaar ah oo ka soo baxay Rasiirada iyo xildhibaanada qaar kood ayafa oo dad gaar ah ama Maamul Goboleydyo gaar ah cadaawad galinayo .
8.Ciidanka ,Garsoorka ,Maxkamadda sare oo dhamaantood aan sidii la rabay aan waajibkooda u gudan oo mararka qaarkooda laga dareemayo wax is daba marin baahsan .
9. Musuqmaasuqa aan kala joogsi laheyn ee dhamaan kaalimada iyo xaafiisyada shaqeedka Xukuumada ka aloosan.
N.B. Lasoco qeybta kale inshaa allaa
Hasan Ahmed Bin Issa
الجمعة، 2 أغسطس 2013
الجمعة، 26 يوليو 2013
War kuwii hore hana loo daayo.!
Mar kasta oo Soomaaliya wax is badal ah ay kadhacaan is badalkaas oo ah dhanka Siyaasada inta badanna ah dhanka ay Soomaalidu isha ku hayaan ugana hadal haynta badan dadka Soomaalidu had iyo jeer meel kasta oo ay joogaan,ayay dadku Niyada ku hayaan is badal dhab ah oo laga sameeyo Maamul xumada ka taagan Siyaasadda Wadanka taas oo dib u dhac baaxsan ku keentay Hormarka Wadanka iyo Shacabkaba.
Halka dhibka ugu wayn uu kajiro oo ah Qofka Wasiirka ama Xildhibaanka laga dhigayo oo aan loo soo dooran inta badan Aqoon ama Khibrad uu u leeyahay Xilka loo idmanayo taas oo keenta in qof aan wax waxqabad ah lahayn ama aan awood u lahayn in uu wax is badal ah ka sameeyo Xilka loo dhiibay .
ayaa waxa ay sababtaa in meesha ay ka baxdo awoodii ama mas,uuliyadii laga rabay in Qofkaasi uu ku sameeyo booska uu ka hayo Dowlada ama Wadanka.
Ayada oo ay jirto in aan Mas,uulka Aqoon ama khibrad lagu soo xulin ayaa waxaa dhacda in marka Qofkaasi xilkaas hayo Dhowr bilood ayaa hadana laga xayuubiyaa oo inta badan qoorta loo galiyaa mid kale oo aan asna wax uu dhaamo aysan jirin ama ka siiliita aqoon iyo khibradba ayada oo lagu ee deeyo mas,ulkii hore in uu gudan waayay Xilkiisa.
Hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa Qofkaas loo sumcad tirayaa inta markii hore lagu soo qasbay ama aan lagu xirin wax khibrad ah oo laga doonayo qofka xilka qabanaya, kadibna loogu eedaynayaa wax qabad la,aan ?
hadaba Carabka shacabka ayaa loo badinayaa in uu leeyahay war kuwii hore noodaaya ayagaa laga yaabaa in ay wax khibrad ah kasbadeen inta ay meesha joogeena intii mid kale oo cusub meesha la soo taagi lahaa .
Markii wax qabadkii laga hor mariyay Qabiilka iyo sadkursiga qof kasta ayaa og in ay imaanayso wax qabad la,aan iyo is eedeen joogto ah, marka waxaa wanaagsan in meesha la keeno qof xilkaas qaban kara ama xilkasnimo lagu tuhmayo oo aysan sheekadu noqon in shacabka iyo wadanka aan lagu haynin dhibka ay horseedak u yihiin Siyaasiyiinta aan khibrad ay u leeyihin aysan jirin Siyaasadda ay sheeganayaaan .
Waxaa la yiraadaa shaydaan aad taqaano waxa uu ka kheyr badanyahay shaydeen kale oo aadan aqoonin.
marka anaguna waxa aan leenahay Tuug aad taqaanid waxa uu ka qeyr roonyahay mid aadan aqoon oo cusub oo hada iyo mar hor leh Xagtooyo masaynaya.

الأحد، 30 يونيو 2013
Hambalyo Wasiirka Arimah Gudaha Soomaaliya
Hambalyo Wasiirka Arimah Gudaha Soomaaliya iyo Intii ku gacansiisay in Xabsi la dhigo Danbiilayaasha isku dayay in ay Xasan Daahir Aweys ay Badbaadiyaan.
Xaq waxay u lahaayeen in Karbaash iyo xarig dheer la iskugu daro .
Danbiile qof kasta oo uu yahay iyo inta Difaac ula diyaarka ah in ay ku quusqaataan ayaan rajaynayaaa .
Soomaaliya dhib iyo is cayrsi kama baxayso hadii aan la helin dad Soomali ah oo Soomaalinimadu ay oga wayntahay Qabiilka iyo isfiirsiga u dhaxeeya dadka soomaaliyeed, sida in qabiilba mid kale iska fiirinayo oo ah inta badan waxa lagu difaaco Danbiilayaasha dadka dhiigooda bilaa macno la,aan ku daadiyay ah, hadana ku soo galbanaya qabiil aysan wanaag iyo wax ay u sameeyeen aysan jirin .
Soomaaliyay Cadaaladu waa mid kaliya ee aan wax ku noqon karno ee ha la iska dhaafo qabiil iyo wax aanan dan noogu jirn .
Hambalyo kun iyo kow jeer mudane haddii arinta aad samaysay ay tahay mid aad soomalinimo iyo cadaalad u samaysay.

السبت، 8 يونيو 2013
Halaga banaan baxo Dagaalka Kismaayo ka socda.!
Isbuuc ka hor markii wiil Soomaaliyeed lagu dilay wadanka South Africa dad badan oo Soomaali ah ayaa aad oga carooday dhibka loogaysta walaalkood kadib markii ay sixun u dileen dad South Afrikan ah.
Laakiin Maantay iyo shalay waxaa Magaalada Kismaayo ee wadanka Soomaalia ka socda Dagaal ay ku dhinteen dad Soomalai ah oo aan waxba galabsan.
Sida wararku sheegayaana waxaa dagaalkaas ku dhintay shalay Gabar Miskiin ah oo caano meel ku gadaysay, Maantana dad kale ayaa ku dhintay waxaana ka mid ah Qoys dhan oo ay 3 ka mid ah ay dhaawac yihiin .
Marka soo ma haboona in aan ka banaan baxno oo aan dadka dagaalka wada aan tusno in ay qaldanyihiin oo aanan raali ka ahayn in dadka masaakiinta ah la dilo .
dhiiga Soomaalidana uusan hada kadib bilaa macno daro ku daadan doonin .
Waa in aan iskugu Soo baxnaa sidiin aan shalay iyo daraad iskugu Soo baxnay hadaan nahay Soomaali meel kasta waa ku dhibaataysannahay .
Hadana maahan in Wadankeenii aan isku dilno qofkii qaldan waa in aan tusnaa qaladkiisa .
Dadka siyaasad soomaaliya isku haya ayagu dagaalka ma ku dhintaan ee waxa ku dhintaa waa dadka shacabka ah oo aan wax ay galayn aysan jirin oo xabad loogu geeyay meelaha ay ku nool yihiin .
Hadaan Wadankeenii isku dilnay ma u malaynaysaan in aan ku badbaadayno wadan kale?
Jawaabtu waa maya ayaan u malaynayaa marka Soomaaliyay Fadhiga aan ka kacno oo aan dadkeena iyo dalkeena badbaadino .
Allaa mahad leh
Soomaali Ha noolaato.

Ku soo Dhawaad Blogg Kaygaan cusub.
Maantay oo ay taariikhdu tahay 8. Bisha 6. 2013 ayaan ayaa waxaa suuro gashay in aan ku soo biiro barta Blogger yada Interterka ee ay dad badan isticmaalaan.
Waxaan rajaynayaa Inshaa allaa in aad kala socontoon taan wixii akhraabaad ah oo igu saabsan iyo maqaalada iyo Eray maalmeedyada aan qoro.
Alle ayaa mahad leh Adinkuna waa mahadsantihiin .
Soomaali ha Noolaato .

الاشتراك في:
الرسائل (Atom)