الجمعة، 2 أغسطس 2013

Fashilka Xukuumada iyo Sababaha keenay.!

Dad badan oo aan kamid ahaa ayaa 10kii Sebtembar 2012, oo eheyd Maalintii ay dhacaysay dooradashiid Kursiga madaxtinimada Soomaaliya aan marnaba indha ka leexin Tv yada iyo meelaha wararka laga  dheehdo ayagoo ka rajo qabay in ay wax is badal ah ay ka dhacaan Soomaaliya.

Dhowr saacadood  oo codayntasa kadib iyo intii ay socotayba  ayaa inta badan ee afka Soomaaliga ku hadasha iyo intii danaynaysay Arimaha Soomaalida waxay si aan kas ahayn u xifdiyeen magaca Hasan sheikh Mahamoud oo ahaa Musharixii  ku guulaystay  xilka tartanka Kursiga aan dhib badan  loo soo marin ee ku magacaaban Madaxweynaha  Soomaaliya .

Mudane Hasan oo Sida taariikhdiisa ku qoron ah Qof ku abtirsada bahda waxbarasha amaba ahaa macalin Jaamacad wax ka dhigi jiray ayaa kasbada Taageerada inta badan Umadda Soomaaliyada ee u hanqal taagaysay in ay mar arkaan Soomaaliya oo ay wax iska badalaan.

Taageerada uu kasbada Madaxweynuhu maalintaas  ma ahayn mid ku salays neyd  Qabiil ama wax la mid ah ee  waxa ay aheyd mid  ka timid inta badan Soomaalida  meel kasta  oo ay  joogaan, waxa ay u muuqatay mid hadii sida wanaagsan loo maamulo looga bixi karay dhibka soo jiitamayay. 


Madaxweyne Hassan ayaa  loo arkayay in uu  ka duwanaandoono Kuwii asaga ka horeeyay  Sababo dhowr ah oo jira .

1.  waxa uu ahaa  madaxweynaha ka liya ee lagu doortay gudaha wadanka tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe .

2. waxa uu ahaa  Madadwynaha aan magiciisa  laga  hormarin Kumeel gaar ee laga hormariyay Madaxweynaha rasmiga ag ee 4sano ee soo socota, taas  oo micnaheydu yahay in uu awood  aysan haysan kuwii ka horeeyay leeyahay.

3. waxa uu haystay  taageero aan ku imaanin caadifad iyo nin iska celin ee ka imaanaysay Umadda u oomaneyd Nabad iyo is badal dhab ah .

4. waxa uu ahaa  musharaxa kaliya ee aan dalka  intii dhibku jiray aan ka maqnayn  taas  oo u taagan in uu fahan aan kuwa wadamada shisheeye ka yimid aysan fahmin karin inta badan.

Waxa kale  oo aan meesha  ka maqnayn  kal soonida  uu  ka helay Maalmo gudohood  Dowladaha  Caalamka.

Hadaba  Madaxweynaha  oo looga  fadhiyay  in uu Wadanka  wax muuqda  ka ka qabto ayaa  waxa Qof kasta , Ayaa  hada  waxa  aan  shaki ku jirin  ama  inta  badan dadku   aaminsanyihiin in ay kalsoonidii iyo hididaaladii loo qabay Guushii uu ka gaaray madaxweynuhu Darashadii  ay meesha ka baxday marka la fiiriyo sida  loo maamulay Nadaamka Dowladeed ee hada ka jira .

Wax yaabaha keenay  Fashilka Xukuumada Hada jirta .

1.Booqashada Koowaad ee madaxweynaha ee Gobolada  qaar aan la tagin ama laga Dulbooday.


2. Hab qeybsiga Awooda Nadaamka Xukuumada ama Wasiirada oo beelaha gaar aysan iska dhex arkin.

3. Qaadis Go,aano aan ku salaysnayn wada tashi ka dhaxeeya ama ay isla ogyihiin Madaxda Xukuumadu sida wasiirada iyo Ra,iisal wasaaraha ama suusan ogayn madaxweynuhu .

4. Namaadka  Maamul Goboleedyada  oo aan  sifiican loo dhaqan galin hadii uu jiro Nadaam loo diyaariyay in la iskugu keeno Gobolada  Dalka.

5.Xukuumada  iyo baarlamaanka  oo aan  midkoodna Shacabka inta horyimaadeyn aysan ka  dhaadhicin Nadaamka lagu saleeyay  Dasduurka  wadanka  ee  Fadaraalka ah .


6.Amaanka  oo ah Muhiimada  ugu horaysay ee  in Xukuumadu ay wax ka qabato looga  fadhiyay oo  sida muuqata faraha  ka siibaxaya .


7.Hadallo  ay ka muuqato kicin dadka  gaar ah oo  ka  soo baxay  Rasiirada iyo xildhibaanada  qaar kood ayafa oo dad gaar ah ama Maamul Goboleydyo gaar ah cadaawad galinayo .


8.Ciidanka  ,Garsoorka ,Maxkamadda  sare  oo dhamaantood aan sidii  la rabay aan  waajibkooda u gudan oo mararka  qaarkooda  laga dareemayo wax is daba marin  baahsan .


9. Musuqmaasuqa aan kala joogsi laheyn ee dhamaan kaalimada iyo xaafiisyada shaqeedka Xukuumada ka aloosan.

  N.B.        Lasoco qeybta kale inshaa allaa

ليست هناك تعليقات:

إرسال تعليق