Isbuuc ka hor markii wiil Soomaaliyeed lagu dilay wadanka South Africa dad badan oo Soomaali ah ayaa aad oga carooday dhibka loogaysta walaalkood kadib markii ay sixun u dileen dad South Afrikan ah.
Laakiin Maantay iyo shalay waxaa Magaalada Kismaayo ee wadanka Soomaalia ka socda Dagaal ay ku dhinteen dad Soomalai ah oo aan waxba galabsan.
Sida wararku sheegayaana waxaa dagaalkaas ku dhintay shalay Gabar Miskiin ah oo caano meel ku gadaysay, Maantana dad kale ayaa ku dhintay waxaana ka mid ah Qoys dhan oo ay 3 ka mid ah ay dhaawac yihiin .
Marka soo ma haboona in aan ka banaan baxno oo aan dadka dagaalka wada aan tusno in ay qaldanyihiin oo aanan raali ka ahayn in dadka masaakiinta ah la dilo .
dhiiga Soomaalidana uusan hada kadib bilaa macno daro ku daadan doonin .
Waa in aan iskugu Soo baxnaa sidiin aan shalay iyo daraad iskugu Soo baxnay hadaan nahay Soomaali meel kasta waa ku dhibaataysannahay .
Hadana maahan in Wadankeenii aan isku dilno qofkii qaldan waa in aan tusnaa qaladkiisa .
Dadka siyaasad soomaaliya isku haya ayagu dagaalka ma ku dhintaan ee waxa ku dhintaa waa dadka shacabka ah oo aan wax ay galayn aysan jirin oo xabad loogu geeyay meelaha ay ku nool yihiin .
Hadaan Wadankeenii isku dilnay ma u malaynaysaan in aan ku badbaadayno wadan kale?
Jawaabtu waa maya ayaan u malaynayaa marka Soomaaliyay Fadhiga aan ka kacno oo aan dadkeena iyo dalkeena badbaadino .
Allaa mahad leh
Soomaali Ha noolaato.
Hasan Ahmed Bin Issa
ليست هناك تعليقات:
إرسال تعليق